SAWIRRO: Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga adduunka oo kala saxiixday heshiis ay ku baxeyso $80 Malyan oo Doolar

0

(Muqdisho) 31 Okt 2018 – Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird, ayaa maanta si wada jir ah u saxiixay $80 Milyan oo ah qaybtii hore ee mashruuca bank-ga adduunku uu dawladda Soomaaliya ku abaal mariyay.

Wasiirka maaliyadda XFS ayaa sheegay in Bank-ga adduunku uu aad usoo dhaweeyay hannaanka dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay uga shaqeeyeen hannaanka dayn cafinta kadibna ay go’aansadeen in lagu abaal mariyo $140 Mliyan oo $80 Milyan oo kamid ah guddiga sare ee bank-ga adduunku uu dhawaan ansixiyay.

Agaasimaha Bank-ga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird ayaa munaasabadda lagu saxiixay heshiiska $80 Miylan ah ka sheegtay in Bank-ga adduunku uu aad ugu amaanayo dawladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka cafinta daymaha.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in heshiiska maanta iyo heshiiskii dhawaan dawladdu la saxiixatay Midawga Yurub in ay muujinayaan dadaalka xoogga badan ee ay dawladdu ay ku doonayso in ay dib ula fal-gasho caalamka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dadka Soomaaliyeed sida buuxda ee ay uga qayb qaateen dadaallada dib-u-hagaajinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna shaaciyay hadii dadaallada ay dawladdu wado lasii dardar-geliyo in lagu tillaabsanayo horumar intaan ka ballaaran.

Hadalsame Media