DAAWO: Muuqaal dhamaystiran oo laga helay min markii ay kacaysay ilaa dhicitaankii dayuuraddii milkiilaha Leicester + Sawirro (Fadlan muuqaalkani dadka qaar uma roona!!)

0

(Leicester) 30 Juun 2018 – Waxaa soo baxay muuqaal argagax leh oo cusub oo la xiriira dayuuraddii nooca qumaatiga u kaca ahayd ee la dhacday milkiilihii Leicester City iyo afar kale oo iyadoo wareegaalaysanaysa cirka kasoo dhacaysa iyadoo bilaa koontorool ah isla markaana xawaare sare ku socota.

Halkan ka DAAWO…

Gabalkan muuqaalka ah oo loo gacan geliyay baarayaasha oo ay heshay The Sun, ayaa muujinaya dayuuradda oo ka kaceeysa koobaabinta dhexe ee garoonka King Power Stadium habeenkii Sabtiga.

Dayuuradda Vichai Srivaddhanaprabha ayaa muddo dheer si aan caadi ahayn u dul taagnayd garoonka kahor inta aanay iskaga daba wareegin si waalli ah oo aysan ku dhicin meel gawaarida la dhigto oo u dhow garoonka.

Taageerayaasha iyo nidaamiyayaasha garoonka ayaa toos u daawanayay shilkan hororka ah iyadoo la maqlayo dadka oo ku qaylinaya ‘s***’ qaybta dambe ee muuqaalka.

Hadalsame Media