DAAWO: Kenyata oo xalay sagootiyay duullimaadkii ugu horreeyay ee toos ah oo isku xiraya Kenya & Maraykanka + Sawirro

0

(Nairobi) 29 Okt 2018 – Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa xalay sagootiyay dayuuraddii ugu horreeysay ee Kenya Airway ah ee duullimaad toos ah ka sameeysa Nairobi ilaa New York.

Md Kenyatta oo ay wehliyeen qaar ka mid ah saraakiisha sare ee dowladdiisa ayaa amaanay muhiimadda ay tillaabadani leedahay, isagoo u saynyaaleeyay dayuuraddan oo ah KQ Boeing 787-8 Dreamliner taasoo siddey 234 rakaab ah oo ay ka qaadday Jomo Kenyatta International Airport kuwaasoo u socda garoonka New York ee JFK International Airport.

Safarkan tooska ah ayaa qaadanaya 15 saacadood, taasoo 7 saacadood ka yar markii hore ee transit-ku jirey, waxaana dayuuradda la socday Wasiirad Dibadeedka Kenya Amb. Monica Juma iyo Danjiraha Maraykanka ee Kenya Robert Godec.

Hadalsame Media