DAAWO: Dayuurad siddey 189 qofood oo ku burburtay dalka Indonesia + Sawirro

0

(Jakarta) 29 Okt 2018 – Dayuurad ay lahayd sharikad Indonesian ah oo la yiraahdo Lion Air ayaa burburtay in yar uun kaddib markii ay ka duushay Jakarta. Waa shilkii abid ugu horreeyay ee ku dhaca dayuuradda cusub ee Boeing samayso ee 737 MAX 8.

“Shilka iminka waa la xaqiijiyay,” ayuu yiri Yusuf Latif, oo ah afhayeenka wakaaladda samata bixinta Indonesia, kaasoo ay soo xiganaysay  Reuters, iyadoo u socotey magaalada Pangkal Pinang oo ku taalla Sumatra, kaasoo qaata saacad ka yar.

Latif ayaa sheegay in uu lumay khadkii dayuuraddu 13 daqiiqo kaddib markii ay hawada ku maqnayd, waxaana la sheegay inay codsanaysay in si deg deg loogu diyaariyo meel ay ku degto, balse badda ayay ku dhacday.

Waxaa saarnaa 189 rakaab ah iyo shaqaale, kuwaasoo 23 ka tirsani ay ahaayeen saraakiil dowladeed, sida ay sheegtay Wakaaladda samata bixinta dalkaasi. Lama sheegin qof badbaadey.


Hadalsame Media