Erdogan oo maanta xarigga ka jaraya ”garoonka ugu wayn adduunka” – Sawirro

0

(Istanbul) 29 Okt 2018 – Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan oo xarumo badan oo cusub dhagax dhigay 15-kii sanadood ee uu kobcinayay dhaqaalaha Turkiga ayaa maanta oo Isniin ah xarigga ka jaraya mid ka mid ah mashaariicda ugu waawayn — Istanbul New Airport.

Erdogan ayaa furaya garoonkan oo marka dambe noqonaya midka ugu ballaaran dunida oo idil, kaasoo lagu soo beegan 95 guurada markii uu Turkigu noqday jamhuuriyad, iyadoo ay duullimaadyadu bilaabmayaan maalmo yar kaddib, halka soo guuritaan buuxa uusan dhici doonin tan iyo dhamaadka sanadkan.

Kumanaan shaqaale ah ayaa loo xil saaray inay garoonkan kusoo abyaan 29-ka Oktoobar oo ah maalintii loo qabtay, waxaana bishii Sebtembar dhacay dibed baxyo looga ashtakoonayay xaaladda shaqo oo aan fiicnayn iyo shaqaale ku dhintay intii ay shaqadu socotey.

Si kastaba, Istanbul New Airport, oo kulaala xeebaha badda Black Sea, ayaa sanadkii u khidmayn doona 90 milyan oo rakaab ah wejiga hore, balse 10 sano kaddib waxaa la doonayaa in bedkiisa la gaarsiiyo 19,000 acres, markaasoo uu sanadkii qaabilayo 200 milyan oo rakaab ah, taasoo laba jeer ka badan inta uu haatan u shaqeeyo garoonka gobolka Atlanta, USA ee Hartsfield-Jackson.

Hadalsame Media