DAAWO: Culimada Puntland oo baaq kasoo saaray shirkii Garoowe

0

(Garoowe) 28 Okt 2018 – Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland, Somalia ayaa baaq kasoo saaray shirkii dhowaantan lagusoo abyay magaalada Garoowe, kaasoo ay kasoo bexeen go’aamo ay inta badan aad uga hor yimaadeen shacabka Soomaaliyeed oo ku tilmaamay mid ay ”mas’uuliyaddu” ka maqnayd.

Culimada ayaa shirkaa ku tilmaamay mid aan u danaynaynin maslaxada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, iyagoo maamullada uga digey inay ku takri falaan awoodda lagu amaanaystay iyo noqdaan kuwo dadka kala dira oo isku dira. Culimada ayaa sidoo kale aad u diidey in aayaha Somalia markale la hoos geeyo cududo shisheeye.

Waxay culimadu dowladda Federaalka ah ee Somalia ugu baaqeen inay cadaaladda oogaan, ilaaliyaanna wada shaqaynta iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana ay gutaan xilka ka saaran maamullada, wixii khaldan ama la isku khilaafayna ay ku dhameeyaan si ay walaalnimo ku jirto.

Waxay sidoo kale ugu dambayn ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo colaadda ka socota gobolka Sool ee micna darrada ah.

Hadalsame Media