Itoobiya oo qof kasta oo Afrikaan ah Fiisaha ku siinaysa garoonka (Goorma?)

0

(Addis Ababa) 28 Okt 2018 – Qish laga helay warka RW Itoobiya Dr Cabbeey Axmed Cali bishii Maajo 2018, ayaa haatan u muuqda mid ugu dambayn dhaqan geli doona dhowaan.

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday taariikhda ay bilaabayso in ay fiisayaasha garoonka ku siiso isla marka ay soo degaan dhamaanba shucuubta Afrika, taasoo bilaabmaysa Nofeembar 9-keeda, 2018 oo ah bisha soo socota, sida uu xaqiijiyay Agaasinka Guud ee xafiiska Wasiirka Koowaad.

Sida uu sheegay Fitsum Aregaa, waxay tillaabadani la jaan qaadaysaa aragtida Cabbeey Axmed oo ku dhisan sida uu yiri “Iskaashi iyo wax wada qabsi dhow oo dhex mara Afrika — halkaasoo ay madaxyadu fikrado cusub u furan yihiin, suuqyaduna ganacsi cusub.”

Hadalsame Media