DAAWO: Waa maxay labada sababood ee dhalinaya khilaafka dowladda & maamullada?

0

(Muqdisho) 28 Okt 2018 – Waxaa weli taagan muran ay oogayaan maamul-goboleedyada badankood oo sida ay yiraahdeen ka sheeganaya dowladda dhexe ee Muqdisho.

Haddaba, Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa 2 qodob uun, sida ay isaga la tahay, kusoo koobay waxa uu u arko inay yihiin sababaha ugu waawayn ee dhaliyay khilaafka taagan.

Labada qodob ayuu ku kala sheegay; madaxda maamullada oo aan doonaynin inay xilalka wareejiyaan marka ay muddo xileedkooda dhamaystaan iyo qodobka kale oo ah xisaab celinta ay dowladdu ka dalabtay oo ku adag.

Yeelkeede, maamullada ayaa ku doodaya inay jiraan dhibaatooyin kale sida amaanka oo aan waxba laga qaban iyo hoggaanka oo aan howshiisii kasoo bixin.

Hadalsame Media