AAW oo si kulul u eedeyay dowladda Turkiga kadib abaalmarin la siiyay taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir

0

(Muqdisho) 27 Okt 2018 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka tirsan Xisbiga Wadajir ayaa weerar dadban ku qaaday Saraakiisha dowladda Turkiga ee ka hawlgala Magaaladda Muqdisho isagoona si kulul ugu eedeeyay arrimo xasaasi ah sida uu sheegay.

Qoraal kooban oo Siyaasigan Mucaaradka ah uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri sida tan: -“Ma filayo in uu jiro ruux la yaabaya mowqifkii ku cadaa warsaxaafadeedkii ay dawlada Federaalka ah sida dadban oo degdega ah ugu taageertay dilkii waxshiga ahaa ee loo gaystay suxufi Kamal Khashogji, sababtoo ah wax taas ka daran ama la mid ah ayey horay u geysteen…. Laakiin waxaa arrin lala yaabo ah taalabada ay dawlada Turkiya oo ka cabanaysa falka lagula kacay Khashoqji in ay ninkii Muqdisho ku xasuuqay ciidan Soomaaliyeed, kabahana ku aasay ay abaal marin siiso. Turkish Embassy in Mogadishu way la socotaa wixii dhacay, waxaan ka rabnaa in ay arrinkaas ka cudur daarto,”

Eedeynta ka timid Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale loo yaqaano  AAW ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Taliyihii xiligaas ee  Nabadsugida gobolka Banaadir Saadaq Joon ay weerar ku qaadeen guri uu ka daganaa Magaaladda sanadkii hore.

Xiligaas waxaa lagu eedeeyay siyaasigan inuu maleegayay shirqool siyaasadeed oo qalqal lagu galin lahaa xukuumadda Soomaaliya, qorshahaas oo la sheegay in dowladda Imaaraadka carabta inay gadaal ka riixaysay.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Booliska Turkiga ee ku sugan Muqdisho ayaa dhawaan abaalmarin gu doonsiiyay Saadaq Joon oo hadda ah taliyaha ciidamada qeybta Booliska gobolka Banaadir.

Hadalsame Media