Ciidamada dowladda oo hawlgalo millatari ka wada gobolka Bakool

0

(Muqdisho) 27 Okt 2018 – Hawlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab ayaa ka bilowday degmada Waajid iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Bakool sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalku uu bilowday, islamarkaana ciidanka Dowladda ay doonayaan in meesha laga saaro Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo la sheegay inay go’doomiyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaan illaa hadda ku guuleysan inay xoreeyaan dhulka ay haystaan Al-Shabaab waxaana howlgaladan ay wadaan ciidamadu noqdeen kuwa aan dhamaad lahayn.

Hadalsame Media