Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay sababo la xiriira shir caalami ah oo ka dhacaya

0

Amniga Magaaladda Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray qaar ka mid ah waddooyinka iyadoo saacadaha soo socda la filayo in shirka dalalka Iskaashiga Islaamka uu ka furmo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa lagu arkayaa xaafaddaha iyo Isgoysadda muhiimka ah ee caasimadda iyagoona xiray qaar ka mid ah Isgoysyadda muhiim ka ah.

Dadka caadiga looma diidayo waddooyinka hase ahaatee waxaa gabi ahaanba la joojiyay gaadiidka dadwaynaha sida BL-ka iyo Bajaajta iyo baabuurta gaarka loo leeyahay gaar ahaan nawaaxiga KM4.

Shirkan ayaa diirradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah.

Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii.