RA’YIGA DADWAYNAHA: Sidee ayay shacabka Soomaaliyeed u arkeen shirkii Garoowe? (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Okt 2018 – Dadka Soomaaliyeed ayaa ka war celiyay shirkii ay dhowaanahanba Garoowe ku lahaayeen qaar ka tirsan madaxda maamullada oo horay u sheegay inay hakiyeen wax ay ku sheegeen ”wada shaqayntii” dowladda dhexe.

Shalay ayay shirkooda soo gunaanadeed iyagoo soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin inay samaynayaan ciidamo ay iyagu isku darsanayaan oo ka madax bannaan dowladda Soomaaliya.

Haddaba, shacabka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay, waxay se falcelintu u badan tahay inaysan dadka Soomaaliyeed soo dhowaynin guud ahaanba hab-dhaqanka ragga shalay war murtiyeedka soo saaray, in kasta oo uu jiro dareen sidoo kale ah inay dowladdu arrinta si kale u maarayso.

Weriye Cagmadhige oo ka mid ah hormoodka Universal TV ayaa barnaamij dheer ka sameeyay kaasoo uu ku eegayay sida ay arrintan u arkaan shacabka Soomaaliyeed ee kala jooga dal iyo dibeda ee hoos ka dhegeyso ra’yiga dadwaynaha oo ay ugu horreeyaan isla shacabka ku dhaqan goobta shirku ka dhacay ee Puntland.

Hadalsame Media