Saalax Khashuuqji oo ugu dambayn ka dhoofay Sucuudiga (Halkee qabtay?)

0

(Riyaad) 26 Okt 2018 – Wiilka weriyaha la khaarajiyay ee Jamal Khashoggi ayaa la sheegay inuu kasoo dhoofay dalka Sucuudiga isagoo u amba baxay dalka Maraykanka kaddib markii ay fasaxeen maamulka dalkaasi oo markii hore xayiraad kusoo rogey, sida ay qoyska Khashuuqji u sheegeen NBC News.

Saalax Khashoggi, oo sidoo kale haysta dhalashada Maraykanka, ayaa waxaa horraantii todobaadkan lasoo sawiray isagoo la kulansan Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Moxammed bin Salmaan oo ah isla kuwa la sheegay inay amreen dilka aabihii.

Qoyska Khashuuqji — oo kala jooga Saudi Arabia, Turkey iyo Imaaraatka — ayaa muujiyay inay doonayaan inay ku kulmaan meel aan ahayn Sucuudiga, waxaana la dareensanaa inay boqortooyadu xayireen baasaboorka Saalax, maaddaama aan dalkaa laga aqoonsanayn qaadashada laba dhalasho iyo in loogu dhegganaa arrimo la xiriira dilka aabihii si uusan mucaarad hor leh u noqon.

Waxaa la arkayay Saalax oo ay wejigiisa murugo ka muuqa, waloow ay qoyska boqortooyadu sheegeen inuu ku faraxsanaa kulankaasi iyo ”tacsida” loo soo gudbiyay.

Hadalsame Media