MUDANE MUSALSAL: Arag hanka & hiraalka ”XILDHIBAAN hurdaaye”

0

(Hadalsame) 26 Okt 2018 – Nin ka mid ahaa musharixiitii u tartamayay xilka madaxweynenimo ee DFS sanafkii hore, balse ku hungoobay, oo aan wax cod ah helin, haba yaraatee, ayaan weydiiyay su’aal aheyd:

Maxaad ugu neceb tahay in lagu weydiiyo mudane?

Wuxuu iigu jawaabay: ”Waxaan ugu necbahay in ley weydiiyo su’aasha ah: “Tartankii madaxweyne nimada ee aad ka qeyb gashay, meeqa cod ayaad heshay”! Markaad si u eegtana waaba gar taasi, oo ninna ma jecla su’aalo la xiriira guuldaradiisa.

Sidoo kale, isla su’aashaas cagsigeeda ayaa la weydiiyay Xildhibaan Hurdaaye oo ah xildhibaan habeebkii ku dhafra kuna qiirooda (la ilmeeya) musalsalada Hindiga ah ee AstaanTV kasoo gala.

Xildhibaan Hurdaaye waxaa su’aasha weydiiyey dad ajnabi ah oo xog uruuris ah, waxayna filayeen inuu arrimo ku saabsan dalka ama horumarkiisa ka hadli doono, waxaase ka yaabisay oo lama filaan noqotay inuu yiri: Waxaan maqlo waxaan ugu jeclahay, waxaan adigaa leh ee CUN, waxaan fiirsadana waxaan ugu jeclahay MUSALSALKA Isbeddel Jacayl iyo Jaceyl Dilaa Ma Noqon Karaa, ee hindiga ee ka socda TV-yada!

Waxa kale oo aan aad u jeclahay “ Gabdhaha yaryar ee 14-16jirka ah inaan nolosha la wadaago! Dadkii su’aasha weydiiyey ayaa yaxyax iyo yaqyaqsi isugu darsamay, aqoonta loogu sheegay iyo masuuliyada saaran iyo waxaa uu ka hadlayo.

Waxaa la weydiiyey weydiinta cagsigeeda oo ah maxaad ugu necebtahay?

Wuxuu ku jawaabay: ”Waxaan ugu necebahay haddii iyadoo Musasalku socdo Korontadu tagto ama Tvga cilladi gasho!
Waxaan kale oo necbahay dadka igu yiraahda kulanka baarlamaanka maxaad u tegi weysay!
Waxaan kale oo necbahay gabar yar oo aan furey ninka gadaashay guursada ee iska qaba ee aan furin.

Gabadhii weydiinta weydiineysay: ”Ayaa iyadoo ujeeddo ka leh ku tiri: Intaad xilka haysay imisa gabdhood ayaad guursatay?
Wuxuu ugu jawaabay “WAXAAN U BAAHANAHAY kalkulleetar AAN KU XISAABSHO. Noocaas oo miiran ayaa Golihii Sharci Dejinta noo soo wada fadhi xun!

Waxaa Qoray: Cismaan M Qanyare

Hadalsame Media