DAAWO: Ruushka oo sheegay inay samaysteen gantaal Hawada Sare maraya sida Dayax-Gacmeedka!

0

(Moscow) 19 Okt 2018 – Hubka cusub ee Avangard oo ah gantaal guuxiisa 5 jeer ka dheereeya oo Hawada Sare maraya ayay bilo yari iminka uga harsan yihiin inuu si toos ah uga mid noqdo agabka ciidan ee Xoogga dalka Ruushka, sida uu sheegay madaxwaynaha dalkaasi ee Vladimir Putin, waana dalkii ugu horreeyay ee tillaabadaa ku dhaqaaqa.

Baxaalliga cajiibka ah ee uu gantaalkani leeyahay waa inuu mari karo jawiga sare ee cadaadiska badan, isagoo ku socda Mach 5, wuxuuna ka dhuumanayaa raadeerka iyo satelite-yada, taasoo adkaynaysa inay qabtaan gantaalaha baalistigga ah ee qabta gantaalaha kale.

In hawada sare lagu maro xawaare sidaa u badan waxaa hor taagan caqabaad dhanka injineeriyada iyo sayniska ah, waayo waxaa badan cadaadiska heerkulkuna aad buu u badan yahay marka laga boxo hawadan caadiga ah ee ogsijiinka leh, taasoo gubaysa gantaalka, waxayna Ruushku ku faanayaan inay arrintaa xalliyeen iyadoo uu horraanba howlgalay gantaal kale oo noocan la hal maala oo la yiraahdo Kinzhal.

Hadalsame Media