DAAWO: Muuqaalka askar dhagax tuuraysa askari Swiss ah oo baraha bulshada xulaya!

0

(Brussels) 19 Okt 2018 – Waxaa baraha  bulshada wareegaalaysanaya askar Swiss ah oo dhagxinaysa askari dhibboow ku jira, iyadoo sida muuqaalka laga arki karo uu sidaa ku amray taliyaha iskuulka ay tababarka ku qaadanayaan.

Muuqaalkan, oo lagu baahiyay webka dadwaynaha ee RSI oo ku tilmaamay dhaqan aan la aqbali karin, ayaa muujinaya askarta oo dhagxaan dhabarka kala dhacaya askariga oo kaligii taagan meel la istaajiyay.

Waxaa la maqlayaa taliyaha oo dhahaya “Diyaar!” deetana ku xijinaya “Dab-rid!” deetana dhagxaanta ayay roob da’ay uga dhigayaan wiilka dhallinyarada ah, waxaana muuqata in sidan ciqaab loola jeedey, iyadoo la maqlayo qaar badan oo ka tirsan askarta oo qoslaysa.

Hadalsame Media