SAWIRRO: ”Ronaldo si joogto ah ayuu noo ceebayn jirey!” – Costacurta

0

(Milano) 19 Okt 2018 – Halyeeygii daafaca adkaa ee AC Milan ee Billy Costacurta ayaa saadiyay inay kulanka Derby Milano ee Axadda ka dhici doonaan waxyaabo aan la filaynin, isagoo dhanka kale qirtay inuu gooysmo “ku bah-diley” Ronaldo da Lima.

“Dadku waxay diiradda saarayaan Gonzalo Higuain iyo Mauro Icardi, balse waxaa dhici kara la yaab. Rino wuxuu mideeyay qolka lebbiska, sidii uu ahaa markii uu ciyaari jireyba, aad baan u qaddariyaa,” ayuu yiri daaficii birta ahaa ee Rossoneri oo la hadlayay Sky Sport Italia.

“Waxaa jira derbiyo aan xusuusto iyo qaar aan la dheeley laacibiin waawayn. Qofkii ugu fiicnaa ee aan abid raaco wuxuu ahaa Ronaldo. Ma seexan jirin habeennada ka horreeya kulamadaas. Wuxuu ahaa nin aan la celin karin.” ayuu yiri Costacurta.

“Kulankii Coppa Italia derby, dhowr mar baan haraatiyay Ronaldo. Beppe Bergomi ayaa kasoo orday 50 mitir si uu iiga celiyo. Wuxuu ahaa faawal foolxun, balse wuxuu runtii ahaa laacib aan caadi ahayn, daafacyadeenna si xun oo joogto ah buu u ceebayn jirey.” ayuu raaciyay.

Milan 22 November 1997: Ronaldo of Inter Milan and Alessandro Costacurta of Milan (R) compete for the ball during the Serie A match between Inter Milan and Milan played at the “Giuseppe Meazza” in Milan.

Hadalsame Media