Maxaa lagu maagay Jamaal Khashoggi? (Mase ogtahay inuu mar saaxiib aad u dhow la ahaa BOQORTOOYADA Sucuudiga?)

0

(Hadalsame) 11 Okt 2018 – Jamaal Khaashuqji wax uu ka dhashay qoys caan ah oo reer Madiina ah asalkooduna shan qarni ka hor ka soo jeedo Turkiga. Wasiirro, imaamyo iyo maalqabeenba waa ay lahaan jireen (walaalkii Cadnaan Khaashuqji wax uu ka mid yahay dadka Sacuudiga u gu hodansan).

Ilaa horraantii 1980-nadii wax uu ka mid ah suxufiyiinta Sacuudiga u gu caansan, wax uuna tifatire ka soo noqday wargeysyo badan oo caan ah sida Cukaad, ash-Sharq al-Awsad, al-Madiina iyo al-Waddan, tan dambe oo afka boqortooyada ku hadasha. Wax uu ka soo shaqeeyay dalal badan oo qalalaase ka dhacay sida Afgaanistaan, Aljeeriya iyo Soodaan.

Wax uu xidhiidh aad u dhow la yeeshay Usaama bin Laadin oo uu waraysiyo ka qaaday. Wax uu balaayo ku qabay faallaynta siyaasadda debedda. Waqtigan xaadirka ah intii aan la waayin wax uu maqaal joogto ah ku qori jiray wargeyska Maraykanka ah ee Washington Post.

Dhanka kale wax uu ahaa nin qoomi ah oo Carabnimada iyo Sacuudinnimada mintid ku ah. Wax uu aad u ga soo horjeeday, si joogto ahna u ga hadli jiray, shisheeyaha badan ee dalkiisa ka shaqaysta. Wax uu rumaysnaa sida keliya ee dhaqaalaha Sacuudiga la gu hagaajin karaa in ay tahay xoogsatada shisheeyaha ah in dalka la ga dareeriyo, dadka dhaladka ahna la hawlgeliyo, arrintaana wax uu sannadkii 2014 ka qoray buug uu ciwaan u ga dhigay “Suuqa Shaqada ee la gumaysto”.

Ninkani muddadii dheerayd ee uu suxufiga ahaa ayuu kasbaday kalsoonida reer Aal Sacuud oo xidhiidh aad u dhow la yeeshay, iyaga oo ka faa’iidaysanaya waaya’aragnimadiisa badan, wax uuna lataliye u noqday madaxa hay’adda sirdoonka. Qasriyada boqortooyada ayuu dhex galay oo dhan walba u dhex qaaday.

Wax uu ahaan jiray nin si weyn u la dhacsan una raacsan boqortooyada, aadna u ga difaaca weerarrada dimuqraadiyadda iyo furfurnaanta, ilaa la sheegay in uu ka boqortooyo jeclaa reer boqor qudhooda.

Ha yeeshee, kacdoonkii Guga Carbeed ayaa fikirkiisa wax ka beddelay, wax uuna bilaabay in uu ka hadlo in dalkiisa loo ga baahan yahay furfuridda awoodda boqortooyada iyo dimuqraadiyayn qunyar qunyar ah.

Isbeddellada uu bilaabay Maxamed ibn Salmaan wuu soo dhoweeyay, wax ay se ku ka la tageen hal masalo oo muhiim ah. Isagu wax uu doonayay in dabaqadda aqoonta leh ee dadka Sacuudiga oo dhan isbeddelka loo adeegsado oo talada iyo awoodda qayb la ga siiyo, halka ibn Salmaan doonayo in uu adeegsado dad aad u kooban isaga uun daacad u ah.

Dabadeed wax uu ibn Salmaan ku tilmaamay macangag kelitaliye ah oo la dabeecad ah Buutiin ka Ruushka. Wax uu si kulul oo aan Sacuudiga loo ga baran u dhaliilay daba orodka Donald Trump, wax uuna ceeb ku tilmaamay sidii waallida ahayd ee ninkaa loo gu soo dhoweeyay Sacuudiga. Waxaana la is ku raacsan yahay maqaalladaa dambe ee Washington Post in ay yihiin kuwa uu eeday ee u soo jiiday halaagga uu ku maqan yahay.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Yuusuf-Hawd

Hadalsame Media