MUUQAAL & SAWIRRO: Saldhigga Hawada Sare oo qarka u saaran in la CIDLEEYO!! (Sabab?)

0

(Washington, DC) 11 Okt 2018 – Saraakiisha NASA ayaa sheegay in Saldhiga Caalamiga ah ee Hawada Sare ee ISS uu shaqaale la’aan noqon karo kaddib markii uu maanta fashilmay qorshihii loogu diri lahaa laba cirbixiyeen, oo dhulka dib ugu soo laabtay iyagoo geeri ku sigtay markii uu cilladoobey gantaalkii markabkooda sidey.

Markab-cireedka Soyuz ayaa maanta qaadi lahaa Aleksey Ovchinin iyo Nick Hague oo u kala dhashay Maraykanka iyo Ruushka, iyadoo shaqaalaha iminka ku sugan saldhigga sare ay dhulka kusoo laaban doonaan 4-ta Jannaano, iyadoo Soyuz-ka iminka shaqeeya uu markaa cimrigiisa dhamaysan doono.

Kenny Todd, oo ah Maareeyaha Howlgallada NASA ee Saldhigga Hawada Sare ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhowayd qabtay ku sheegay in hay’adoodu “ay had iyo goor diyaar u tahay” suurtagalnimada in uu saldhiggu shaqaale la’aan shaqeeyo.

Hannaanka uu ku shaqeeyo ayaa ah mid loo naqshadeeyay inuu iskuu u shaqeeyo, balse ma aha mid weligii iska shaqaynaya oo wuxuu u baahan yahay in la cillad bixiyo, mana cadda xilliga uu diyaar noqonayo markab-cireedka ku xiran doona ee qaadaya cirbixiyeennada cusub.


Hadalsame Media