XIG-DHIBAAN MISE XIL-DHIBAAN? ”Weli ma arag baarlamanka oo ka doodaya wax dan u ah umadda!”

0

(Hadalsame) 11 Okt 2018 – Baarlamaanka Somalia ayaa ka doodaayay Miisaaniyada Dalka Waxaa soo istaagay Xildhibaan Markaas ayuu yiri “Suuqa bakaaraha Lacag ayaa laga aruurshaa amaankiisana ma sugna.”

Waxaan is weydiiyay toloow Xildhibaankaas Wadanka dhan suuqa Bakaaraha muxuu uga doortay!?

Xildhibaan kale ayaa soo istaagay Waxuuna yiri “Lacagtii nalaku doortay Wali waxaa nagu leh Ergadii na dooratay Marka Wasaaradu waa in ay dhiibtaa!” Kaba daran!

Anoo yaabban ayaa waxaa soo istaagay Xildhibaan kale Markaas ayuu yiri ” Xildhibaannadii naga horreeyay ee Baarlamaankii 9-aad Waxaa ka maqan 6 Bilood oo mushaar ah Marka waa in lasiiyaa Mushaarkooda, haddii aan anigu hadda u doodin yaa beri ii doodaaya?1″

Intaan dhegeestay ee baarlamaanka Wali kuma arkin hal Xildhibaan oo u doodaaya In aan miisaaniyadda lagu soo darin Isbitaallo la dhisaayo, iskuulo bilaash ah, Waddooyin la dhisaayo, shaqo abuuris ama adeeg kale oo umadda loo qabto. Xitaa ma arkaysid Xildhibaan u doodaaya deegaanka uu sheeganayo in laga soo doortay!

Baarlamaanow beesadiina iska qaata aduunse waa 4 beri ee taa halla ogaado.

Waxaa Qoray: Maxamuud Cigalle

Hadalsame Media