WARBIXIN GAAR AH: Ururka Al-Shabaab oo boqollaal carruur ah ka qafaashay gobolka Shabeellada Hoose

0

(Muqdisho) 30 Sebt 2018 – Waalidiin la hadlay warsidaha Hadalsame Media ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab maalmihii la soo dhaafay ka afduubtay boqolaal carruur ah tuulooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Qaar ka mid ah waalidiinta la hadlay Hadalsame Media oo diiday in magacooda loo isticmaalo warbaahinta sababo amni dartood ayaa sheegay in shabaabku qafaasheen tiro carruur ah oo ku dhaw dhowr boqol.

“Waxaa ii joogta 5 caruur ah oo sadex ka mid ah wiilal yihiin. Waxaan ka soo barakacay tuulo hoos timaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo shabaabku nagu hayeen cadaadis weyn,” ayey tiri hooyo ka mid ah kuwa caruurtooda kala soo qaxay gobolka shabeeladda Hoose ee soo gaaray Muqdisho.

Gobolka shabeellada Hoose waxaa uu ka mid yahay deegaanada ay ku xoogan yihiin ururka Al-Shabaab waxaana inta badanna dhaca dagaalo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Shabaab.

Wararka la xiriira in Al-Shabaab askareeyaan carruurta yar yar ayaa isi soo tarayay waayihii dambe waxaana ururka Al-Shabaab ku qasbaa dadka ku hoos nool deegaanada ay maamulaan inay keenaan caruurtooda gaar ahaan wiilasha si u tababaraan kadibna u dagaal galiyaan.

Hadalsame Media