Saxaafaddu ma GO’AAMIN kartaa dacwad weli hor taalla MAXKAMAD?

0

(Hadalsame) 30 Sebt 2018 – Maalmahaan dambe Waxaa soo batay in saxaafaddu ka hadasho dacwadaha Ciqaabta ah ee Horyaalla maxkamadaha Dalka, iyada oo aan maxkamaddu wali dhageeysan dacwaddii, arintaas oo siyaabo kala gadisan saameeyn ugu yeelan karto xuquuqda eedaysanayaasha.

Saxaafadda oo ka hordhacdo kana hadasho dacwad hortaalla maxkamadda waa arin ka soo horjeedda sharciga iyo dhaqamada soo jireenka ah ee Maxkamadaha sababahan awogood:

1 – Qodobka 13 ee Xeerka Habka Ciqaabta soomaaliyeed wuxuu qeexayaa in eedaysanuhu yahay barii’ ( Dambilaawe) ilaa Maxkamadi ku rido Xukun Kama dambeys ah, Cidda kaliya ee Go’aan ka gaari karta in eedaysanuhu yahay barii’ iyo in dambi lagu helay waa Maxkamadda kaliya. faallooyinka saxaafadda ee maxkamadda ka horeeya waxay u muuqataa in ay qaateen kaalintii garsoorka, arintaas oo saameeyn ku yeelan karta Xuquuqda Dhinacyada Dacwadda (Eedaysanaha Iyo Dhibanaha).

2 – Faqradda 1-aad ee qodobka 106-aad ee Dastuuka Federalka waxa uu jiddeynayaa in aan garsooraha lagu faragelin karin qaddiyadda hortaalla, go’aankiisuna uu noqdo mid ku saleeysan kaliya sharciga iyo damiirkiisa, asaga oo ka madaxbanaan cadaadis kasta oo ku imaan kara . faalloyinka hordhacda ah ee saxaafaddu sameyneyso waa qeyb ka mid ah cadaadiska uu sharcigu reebay.


3 – Saxaafadda waxaa u banaan in ay dacwadaha ka soo qeybgalaan kana waramaan wixii goobta ka dhacay oo kaliya ayaga oo aan faaleyneyn, aragtidoodana aan ku darin, waxaa kale oo u furan in ay xigtaan wararka uu la wadaago garsooraha hogaaminaya dacwadda iyo aragtida dhinacyada dacwadda.

4 – Intaas waxaa dheer oo xusid mudan in dhaqanka maxkamadaha Dalka iyo kan maxkamadaha dalalka kale uu yahay in saxaafaddu ka hadasho wixii ka dhaca maxdarka dacwadda oo kaliya, oo aan maxkamadda lagu hordhicin.

Ugu dambeyntii faalloyinka saxaafadda ee la xiriira dacwadaha horyaalla maxkamadaha waxay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan karaan xuquuqda dhinacyada ee maxkamadda laga doonaayo in ay ilaaliso, waxaa kale oo ka dhalan karo ugu yaraan dacwad madani ah oo looga dalbanaayo saxafiga faallada sameeyay magdhaw haddii ciddii ay faalladu khuseysay maxkamaddu dambi ku wayso.

W; Q: Cabdicasiis Maxamuud Guuleed

Hadalsame Media