Uganda oo QM uga digtey arrin sida ay sheegtay halis gelin karta amaanka Somalia

0
Kampala Serena Hotel

(New York) 30 Sebt 2018 – RW Uganda Md Ruhakana Rugunda ayaa kal-fadhiga 73-aad ee Golaha Guud ee QM ka jeediyay khudbad ku saabsan digniin ku aaddan in dhimista ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay la jaanqaaddo xoojinta ciidamada amaanka ee Somalia.

“Haddii lagu fashilmo in si taxaddar leh loo maareeyo geeddi socodka, waxay taasi wiiqaysaa amaanka iyo siyaasadda soo hagaagaysay ee Somalia,” ayuu ka digey Dr Rugunda.

Uganda, oo ay 6,000 oo askari ka joogaan Somalia, waa dalka ciidamada ugu badan ku leh ciidamada AMISOM ee hoos taga Midowga Afrika iyo QM oo halkaa la geeyay 11 sanadood ka hor.

Hadalsame Media