JUVENTUS VS SSC NAPOLI: Shaxda & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(Torino) 29 Sebt 2018 – Waxaa caawa fiidkii kulankii horyaalka ugu adkaa tan iyo bilowgii fasalkan isku aaddan labada kooxood ee Juventus vs SSC Napoli oo farqiga u dhexeeyaa yahay 3 dhibcood uun.

Dhanka Juve: Szczesny, Chiellini, Alex Sandro iyo Mandzukic ayaa kusoo wada bilaaban kara. Khadka dhexe waa Pjanic, Matuidi iyo Emre Can, waloow ninka reer Jarman ay bedeli karaan midkood Bentancur iyo Cuadrado (markaasoo loo wareegayo shaxda 4-2-3-1). Weerarka waxaa hal boos iskula dheggan Bernardeschi-Dybala.

Dhanka Napoli: Ospina, Hysaj, Albiol iyo Hamsik ayaa safka hore kusoo noqonaya, shaki wuxuu ka jiraa weerarka oo uu bannaanka yaallo Insigne, balse Ancelotti ayaa weli raadinaya qofkii uu ku lamaanin lahaa: Wuxuu se macallinku shirkiisa jaraa’id ku amaanay Mertens, taasoo loo fasiran karo inuu nasanayo Milik, lkn ma sahlana waayo wuxuu bartamihii todobaadka laba ka dhaliyay Parma.

KAYDKA LABADA KOOXOOD

  • 22 PERIN, 21 PINSOGLIO, 24 RUGANI, 4 BENATIA, 15 BARZAGLI, 16 CUADRADO, 30 BENTANCUR, 10 DYBALA, 18 KEAN
  • 27 KARNEZIS, 22 D’ANDREA, 19 MAKSIMOVIC, 2 MALCUIT, 13 LUPERTO, 8 FABIAN RUIZ, 30 ROG, 42 DIAWARA, 9 VERDI, 99 MILIK, 11 OUNAS

GANAAXAN

  • Douglas Costa (2)

AAN LA HELI KARIN

  • Spinazzola, De Sciglio, Khedira, Douglas Costa
  • Meret, Younes, Ghoulam, Chiriches

Hadalsame Media