90 milyan oo koonto oo Facebook laga jabsaday…Sidee ku OGAAN kartaa kuna XALLIN kartaa haddii ay koontadaadu ku jirto? (Tillaabooyin muhim ah)

0

(Menlo Park, CA) 29 Sebt 2018 – Shalaytoole, Facebook ayaa ku dhawaaqay in la jabsaday in ka badan 90 milyan oo koonto kaddib ay heleen dulduleello dhanka amaanka ah oo aan ula kac ahayn ‘security breach.’

Arrintan oo bilowgii la ogaadey Talaadadii ayaa la sheegay in markiiba la xalliyay, balse waxay Facebook qiratay inaysan ogayn in xogaha adeegsadayaashu ay bed qabto.

Haddaba sidee ku ogaan kartaa in koontadaadu ku jirto kuwaa la jabsaday, maxaad se ka yeeli kartaa?

Haddii uu jabsi wadareedkan koontadaada saameeyay waxaad ku ogaan kartaa in dibedda si otomaatig ah lagaaga saaro Facebook, iyadoo laguu sheegayo inaad dib usoo gasho.

Marka aad soo laabato ayaad heli doontaa ogaysiisyo kuu sharraxaya waxa dhacay, waxaana la yaab leh inuu Facebook sheegayo in aan loo baahnayn in aad furahaaga bedesho, maaddaama ay koontooyinku amaan yihiin haatan.

Haddii ay kula tahay in koontadaada la jabsaday ama lagaala wareegay, waa inaad booqataa boggan si aad u sugto amaanka koontadaada.

In koontadaada loo dhacay waxaad ku garan kartaa:

  • In email-kaaga ama furahaagii (password) la beddeley
  • In magacaagii ama taariikhda dhalashadaada la bedeley
  • Codsi saaxiib oo loo diray dad aanad aqoonin
  • Farriimo aanad qorin oo la diray
  • Posts aanad qorin oo gidaarkaaga la saaray

Facebook ayaa markaa ku waydiisan doona inaad furahaaga beddesho oo eegto howlihii ugu dambeeyay ee koontadaada ka dhacay (recent login activity).

Hadalsame Media