CHELSEA VS LIVERPOOL: Shaxda & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(London) 29 Sebt 2018 – Waxaa caawa fiidkii kulan adag oo u eg ciyaar celiska kulankii bartamaha todobaadkan yeelanaya labada kooxood ee Chelsea iyo kooxda ay guuldarradii ugu horreeysey fasalkan u gaysatey ee Liverpool.

Dhanka Chelsea: Antonio Rudiger ayaa seegay kulankii dhowaa, waxaa isna la beddeley  Andreas Christensen oo ay jugi gaartey, taasoo Chelsea kusoo reebaysa laba dambeed dhexe oo kala ah David Luiz iyo Gary Cahill, kuwaasoo ay u badan tahay inay wada dheelaan.

Waxaa kaloo dhici karta in Cesar Azpilicueta dhexda loosoo celiyo oo dadabka midig la geeyo Davide Zappacosta. Ruben Loftus-Cheek iyo Pedro ayaa iyagana shaki ku jiraa taasoo dhimaysa dookha khadka dhexe ee macallin Sarri. Hazard iyo Willian ayaa garab-weerarka buuxinaya, jeer uu weerarka dhexe uu Olivier Giroud fooska ka xigo Alvaro Morata.

Dhanka Liverpool: Liverpool ayaa faraha u qaniinaysa faya qabka Virgil van Dijk oo kooxda wacdaro ka dhigayay tan iyo imaanshihiisii Jannaayo balse jug dhanka feeraha ah ka sheeganaya, taasoo seejiysay guuldarradii Chelsea waana nin loogu bogey la jirka Joe Gomez, tiiyoo uu kulankii todobaad dhamaadkii gool ka dhaliyay Joel Matip.

Naby Keita iyo Jordan Henderson ayaa iyaguna sii wadan doona hardankooda ku aaddan hal boos oo safka hore ah oo ay isku hayaan. Waxaa soo noqday Dejan Lovren.

 

Hadalsame Media