Muxuu Erdogan ku noqday madaxwayne la jecel yahay?

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2018 – Madaxweynaha Dalka Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan waa mid ka mid ah hogaamiyeyaasha dunida ee waqtigan jooga kuwa ugu magaca iyo sumcada wanaagsan waxaana lagu amaanaa sida uu u horumariyey dalkiisa hooyo intii uu xukunka hayey iyo weliba sida uu ula dagaalamay musuq maasuqa.

Madaxweyne Erdogan ayaa isagoo ka hadlaya sida uu uga soo horjeedo wax isdaba marinta iyo musuq maasuqa waxaa uu yiri sidan:

Maahi nin ogol musuq-maasuq nooc uu yahayba inuu ka dhaco aniga iyo dhammaan inta madaxda ah ee adeegayaasha shacabka ah. Kolka aan wasiir ama masuul magacaabayo waxaan eega saddex shey:

1- Ma yahay qof Alle ka cabsi badan oo amaano leh, sidoo kalena Ehel ma u yahay oo aqoonteedu ma leeyahay shaqada loo magacaabayo.

2- Sumacdiisa iyo sooyaalkiisu ma yahay mid nadiif ah.

3- Ma yahay mid shacab waynaha ka haysta kalsooni lagana jecelyahay bulshada uu la noolyahay. Waxa uu intaa raaciyay hadaan maqlo musuq maasuq ayaa jira waxaa igu waajib ah inaan sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabo oo aan guto waajibka iga saaran kaas oo ah inaan maydkiisa aaso!

Madaxweyne Erdogan isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ka waran hadii koox Muslim ah dhexdooda uu qof Islaam ah ku dhinto maydkiisa miyey sugtaan mise waxa ku waajiba inay aasaan?! Sidaaasi ay waajibka u tahay ayay iigu waajib tahay inaan aaso kan sameeyay shaygaas musuq maasuqa ee xun ” waayo waa mayd nool oo raba in nolosha lagu aaso”

Mudane Erdogan isagoo u digaya siyaasiyiinta xoolaha ummadda booba waxuu yiri sidan:

“Ummadda ha u soo shaqo doonanin oo ha xadin xoolohooda, ee u shaqee, taasaa ah sirta lagu hormariyo ummaddaha”.

Madaxweyne Erdogan markii uu sidaa adag ula dagaalamay musuq maasuqa dadka xilalka loo dhiibayana aad looga taxa daray waxuu kasbaday kalsoonidii shacabkiisa waana ay garab istaageen dawladoodu.

Waxyaabaha kale ee kalsoonida shacabkiisa uu ku helay waxaa ka mid ah inuu yahay nin daacad ah, isku kalsoon oo geesi ah iyo weliba isagoo aan ka gamban runta madaxana aan u foorarin dalalka reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Cabdullaahi Nuur M Colombo

Hadalsame Media