FALANQAYN: ”Ama isoo raac ama waa raran” – QM oo isu rogtey carwo uu Maraykanku caalamka ku cabsiiyo

0

(New York) 28 Sebt 2018 – Donald Trump ayaa todobaadka shir guddoomiyay kulanka Golaha Amaanka ee QM (UNSC), isagoo halkaa ka jeediyay khudbad uu dunida ugu sheegayo inay amarka Maraykanka qaataan, gaar ahaan cunaqabataynta Iiraan, ama ay wajihi doonaan cawaaqibka inaysan u hoganin hadallada Maraykanka.

Trump oo markii 2-aad ka qayb gelaya kulanka Golaha Guud ee QM (UNGA), oo ah madal loo sameeyay in lagu joogteeyo xasilloonida adduunka kaddib labadii dagaal ee Yurub iyo meelaha qaar ka dhacay oo dhamaaday 1945-kii.

Yeelkeede, haatan madasha QM waxay isu rogtey meel la iskugu faanyo qiyam iyo quwad la is dheer yahay, sida faankii Trump iyo Amiirka Qadar, amaba la iskugu dhaarto, sida uu isla Trump oo sanadkii hore u hanjabey Kuuriyada Woqooyi uu markan u falax gooddiyay Iiraan isagoo saaran rakada laga khudbeeyo.

Kal-fahdiga 73-aad ee Golaha Guud ee QM ee todobaadkan qabsoomay, kama badnayn carwo lagu muujiyo kibirka iyo gardarrada Maraykanka oo uu markii ugu horreeysey horseed ka yahay madaxwayne u madax yar sida Trump, kaasoo haddallada aan goobta u qalmin ee uu ku qoowlay ay qosol gariir ka keeneen kasoo qayb galayaashii caalamka.

Halkan ka daawo khudbadda Trump…

Trumo ayaa khudbaddiisa aad ugu maagay dalka Iiraan, isagoo ku celceliyay eedayn ku aaddan inay Iiraan tahay “dalka ugu wayn ee argagixisada naas nuujiya.” Taasina kuma cusba eray bixinta siyaasadeed ee Maraykanka, balse waxa cusubi waa inuu si cad u sheegay inay qaadayaan tillaabo gacan ka hadal ah, haddii aysan hoggaansamin.

John Bolton briefs the media during the UN General Assembly on September 24, 2018. © Stephanie Keith / AFP
”Iiraan waa laga bili doonaa haddii ay xadka soo dhaafto” – Bolton ayaa ku khudbeeyay.

La Taliyaha Amaanka Qaranka ee Trump, John Bolton, ayaa khudbad kale oo uu ka jeediyay New York, ugu digey Iiraan “Iiraan waa laga bili doonaa haddii ay xadka soo dhaafto” – ayuu Bolton ku khudbeeyay, isagoo aan caddaynin waxa ay marka horaba Iiraan ka bi’isay nidaamka Washington.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji, Hadalsame Media

Hadalsame Media