”Maraykanku wuxuu habeen kasta Ballidoogle ka daldashaa macdan, waxaana ku caawiya madaxda Soomaalida” – Faarax Macallin

0

(Muqdisho) 28 Sebt 2018 – Siyaasiga Soomaaliga ah ee Faarax Macallin ayaa ka dhawaajiyay arrin ay awalba aad u tuhunsanaayeen dad badan oo Soomaaliyeed, oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidamada shisheeye ee ka galaa baxa Somalia, balse aan wax badan ku tarin amaanka iyo qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka la degtey.


Ina Macallin ayaa sidan kusoo qoray Twitter-ka: ”Habeen kasta qiyaastii 3-dii subaxnimo (salaadda subax ka hor), dayuurado kuwa xamuulka ah oo uu Maraykanku leeyahay ayaa isu dhaafa garoonka caalaamiga ah ee Muqdisho iyo midka Ballidoogle iyagoo mugdiga ku gambanaya una socda meelo aan la aqoonin. Koonteenarro 40 cagood ah ayaa sidoo kale laga soo daabbulaa Buur Hakaba ilaa Baraawe. Waxay xadayaan macaadin!”

Waloow aan la xaqiijin karin hadalka Faarax Macallin, misna waxaa hubaal ah in ciidamada kala duwan ee shisheeyaha ee dhooban berri iyo bad magac kastaba haku yimaadeene, ay haystaan dulduleello (loopholes) badan oo ay ku fulin karaan waxyaabo badan oo ka dhan ah danta qaran ee dalka.

Faarax Macallin ayaa sidoo kale ka hadlay arrin kale oo sahlaysa in sidaa maalin waliba loo dhaco dalka Somalia, dadkuna ay abid silic ku aakhirsadaan haddii ay sii socoto siyaasadda iyo khilaafaadka ay badanaa horseedka ka yihiin waxa federaal lagu sheegayo ee qoorta loo suray madax aan mas’uuliyad qaran, Alle ka cabsi iyo dux toona lahayn.

”Adeegsiga federaal wuxuu noocii habboonaa noqonayaa marka muhiimadda la siiyo adeegga dadwaynaha. Somalia hoggaamiye kooxeedyo aan waxba qorin ayaa qaybinaya dalka iskugu noocsan Afrika, iyagoo cadow shisheeye ku caawinaya in la wiiqo dowladda dhexe.”


Hadalsame Media