”Farmaajo & Khayrre dalka ay u dhaarteen haka soo dhalaaleen waajibkiisa”

0

(Muqdisho) 28 Sebt 2018 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin oo aad u dhaliila siyaasadda galbeedka ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia ayaa si toos ah baaq ugu diray madaxda sare ee dowladda Somalia.

Faarax Macallin oo ku hal qabsanaya madaxwaynaha Somalia ee Farmaajo iyo RW Khayrre ayaa madaxdaa xusuusiyay inay gutaan waajibka ka saaran dalka ay u dhaarteen, wuxuuna Twitter kusoo qoray sidatan:

”Farmaajo/Kheyre waxay u dhaarteen inay soo celiyaan madax bannaanida Somalia, waana wax ay tahay inay soo celiyaan. Madaxwaynaha/Raysal Wasaaruhu waa inay ogaadaan waxa ka dhacaya dalkooda. Akhriya xeerka xasaradda Maraykanka oo dalbada inay si buuxda daboolka uga qaadaan waxa ay samaynayeen. Dib u hanta dalkiinna.”


Hadalsame Media