Faahfaahin kasoo baxaysa howlgal ay ka qayb qaateen Komaandooska Somalia

0

(Muqdisho) 28 Sebt 2018 – Ciidamada Kumaandooska Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanno ku yaal dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kooban kana soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika jooga ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo bartilmaameedkoodi ahaa.

“Howlgal dhanka cirka ah oo ciidamadeeno la kaashadeen ciidanka Soomaaliya ayaa lagu dilay 3 ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan deegaan qayaas ahaantii 40 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga began magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”. ayaa lagu yiri warsaxafadeedka AFRICOM.

Sidoo kale taliska ciidamada Mareykan ee AFRICOM ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada ilaa ay ka tirtiraan Al-Shabaabka jooga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka, sidoo kale wuxuu talisku sheegay in hadafkooda uu qeyb ka yahay talaabooyin looga hortagayo qataraha kooxdan.

“Waxaan sii wadi doonaa howlgalada ka dhanka ah argagixisada,anagoo isticmaalayna awoodeena iyo fasaxa aan haysano,waxaan kaashanaynaa AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya,waxaan beegsan doonaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan iyo xerooyinkooda tababarka ay ku qaataan,gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka,ilaa aan awoodooda wiiqno”. Ayuu siiraaciyay taliska AFRICOM.

Hadalsame Media