ARRIN UGUB AH: Arrin naxdin leh oo kusoo korodhay Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika!

0

(Cape Town) 28 Sebt 2018 – Waxaa dalka Koonfur Afrika kasoo korodhay arrin ugub ah oo uur ku taallo ku noqotay umadda Soomaaliyeed ee halkaa ka xoogsata, waana dhaqan cusub oo afduub ah.

Waxaa haatan goor dhowayd lagu guulaystay in lasoo daayo wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Muxyadiin Cumar Cabdi oo ay kooxo burcad ihi isla fiidkii xalay ka qafaasheen degaanka Khaylitsha oo ka tirsan magaalada wayn ee Cape Town.

Wiilka la afduubtay oo ganacsade ah ayaa haatan isagoo bed qaba dib loo samata bixiyay. ”Daqiiqado ka hor ayaan la hadlay Alxamdulillaah wuu caafimaad qabaa, wuxuuna aad ugu mahadceliyey dhammaan umadda Soomaaliyeed ee ka damqatay afduubkiisa ee usoo ducaysay, waxaa mahad u sugnaatay ALLE (SWT) oo ducadeenna ajiibay,” sidaa waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray Abdi Risaaq Indha Jacayl oo ku sugan magaalada Cape Town.

Dhibbane Muxyadiin Cumar Cabdi

Waa afduubkii 2-aad iyadoo ay wararku nagu soo gaarayaan in horay loo afduubtay wiil kale oo lagu soo daayay lacag aad u fara badan oo ay dadka qaar ku sheegayaan ilaa 18750 oo doollarka Maraykanka ah, halka ninka hadda lasoo daayay laga qaatay ilaa 7,500 oo doollar. Waxaa kaloo ay wararku sheegayaan inuu jiro nin Hindi ahaa oo ay dileen kaddib markii la bixin waayay madax furashadii ay dalbadeen.

Falkan ugubka ah ayaa kusoo biiraya dhibaatooyinkii ay markii hore la kulmi jireen Soomaalida dalkaasi ku dhaqan, sida dilka, dhaca iyo gubista.

Abdi Risaaq Indha Jacayl

Hadalsame Media