MA DHAB MISE ARAGTI-DHAGAREED?: ”Waxaan nahay jiilkii ugu dambeeyay ee xor ah!!” – Assange oo ”kashifay” khiyaano socota!! (Daawo)

0

(London) 21 Sebt 2018 – Ka hor inta aysan khadka jarin maamulka Safaaradda Ecuador ee uu megengelyada ku joogo, ayuu asaasaha WikiLeaks ee Julian Assange wuxuu bixiyay waraysi xog warran ah oo uu ku taabanayo arrimo xasaasi ah oo ku saabsan sida ay tiknolojiyaddu insaanku u bedeleeyso, isagoo sheegay in haatan dhaqdhaqaaqa dadka dunida si buuxda loola socdo.

Waraysigan oo ay diyaaryeen Madasha Anshaxa Xogaha ee World Ethical Data Forum ee magaalada Barcelona. Wuxuu Assange, oo haatan xabsi guri wax u eg ugu jira safaaradda Ecuador ee London wuxuu ka hadlay waxa uu ka ogyahay halka ay insaaniyaddu u socoto, isagoo sheegay in mar aan dheerayn aan laga fursan doonin in xogaha qofka oo dhamaystiran ay gacanta ku dhigaan dowladaha iyo hay’aadka gaarka ah ee baraha bulshada.

Jiilka haatan dhalanaya… Waa midka ugu dambeeya ee xor ah. Isla marka aad dhalataba dunida oo dhami waa ku ogtahay. Waxaana haybtaada soo bandhigaya waalidkaaga nacaska ah oo magacaaga iyo sawirkaaga ku faafinaya MEEL KASTA DHANKA Facebook.

Assange ayaa saadiyay in ay weerarro halis ah oo jabsi ihi ay ka dhici doonaan dhanka internet-ka, isla marka si buuxda loo howlgeliyo robot-yada ku shaqeeya ”caqliga macmalka ah ee AI”, kuwaasoo si hufan loogu darbay inay sameeyaan weerarro otomaatik ah oo jabsi ah.

Awoodda ururinta iyo adeegsiga xogaha dadku waxay u xoogaysanaysay si aad u ballaaran, sidaa si ka daran ayayna usii kori doontaa, sida uu sheegay, iyadoo marka la adeegsado robot-yada ku shaqeeya waxa lagu sheego ”caqliga gacan samayska ah” ee Artificial Intelligence (AI) ay lama huraan tahay in la qaado tillaabada xigta ee qorshaysan.

Yeelkeede, lama caddayn karo weli inay arrintani dhab tahay iyo in ay ka mid tahay aragti-dhagareedka caadiga ah ee la isla dhexmaro.

Halkan ka DAAWO…

 

Hadalsame Media