GARDARRO GARAB OG: ”Waxaa jira mas’uuliyiin u dooda eedaysanayaasha la qabto” – Gen. Bariise

0

(Muqdisho) 21 Sebt 2018 – Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa wax auu Maanta si ukul uga hadlay dhibaatooyinka amnidarro ee ka dhacay Magalada muqdisho.

Waxa uu sheegay in mararka qarkood falalka manidarro dd ay u qabtaan Ciidamada Booliska alse ay jiraan mas’uuliyiin dadkaasi dambiilayaasha ah difaacaya.

“Runtii waxaad arkeysaa markii ciidamada booliska gacanta ku soo dhigaan rag falal amni daro ka gaysanaya Muqdisho inay ka daba imaanayaa mas’uuliyiin ha ahaadaan saaraakiil ciidan iyo kuwo kale iyaga oo qofkaas difaacaya,” ayuu yiri taliye Bariise oo la hadlayay idaacadda Dalsan.

Hadalka Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xilli dilalka loo geysanayo ciidamada dowladda iyo dad Shacab ah inta ay ku soo bateen Magalada Muqdisho.

Hadalsame Media