”Gacamaha laaban maynee waan aarsanaynaa!” – Maraykanka oo dejiyay dagaal nooc cusub ah!

0

(Washington, DC) 21 Sebt 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa saxiixay istaraatijiyad cusub oo dhanka internet-ka ah oo ku wajahan amaanka, isagoo cawaaqib xumo ugu gooddiyay cid kasta oo sida uu yiri Maraykanka isu hor taagta dhaqaale ahaan ama “turaanturooyin” hor dhigta dimoqraadiyadda dalkaasi.

“Waxaan saxiixay sharciga heerka qaran ee dhanka internet-ka, oo ah midkii ugu horreeyay ee si wanaagsan loo qaadaa dhigay oo la sameeyo muddo 15 sanadood ah,” ayuu yiri La Taliyaha Trump ee dhanka Amaanka Qaranka John Bolton oo warfidiyeenka la hadlayay, isagoo raaciyay. “Isla maanta ayay istaraatijiyaddani dhaqan gelaysaa.”

Dokumentigan o 40 bog ka kooban ayaa waxaa ku qoran qorshihii qaran ee ugu horreeyay ee uu Maraykanku ku bartilmaameedsan doono dhanka internet-ka weliba qaab weerar ah (offensive cyber strategy), taasoo ay ka mid tahay tillaabooyin aarsi ah oo dibedda ah.

“Gacmeheennu uma xirna sidii waayihii maamulkii Obama,” ayuu ku falax gooddiyay Bolton, iyadoo dhowr mar oo hore la bartilmaameedsaday kaydadka hay’adaha dowladda Maraykanka.


Hadalsame Media