DHEGEYSO: Duufaan aad u xooggan oo kusoo wajahan Galbeedka Sweden

0

(Gothenburg) 21 Sebt 2018 – Duufaan lagu magacaabo Knud ayaa usii siqaysa dhanka Galbeedka Sweden oo ay gelinka dambe gaari karto iyadoo ku socota xawaare dhan 25-30 mitir ilbiriqsigii. Hay’adda Sweden ugu qaybsan dhanka saadaasha hawada ee SMHI ayaa soo saartay digniin dabaqadda 2-aad ah, iyadoo ka digtey caqabado ku iman kara walxaha ay dabayshu qaadi karto, gaadiidka dhulka maraya sida gawaarida, tareennada iyo korontada oo go’da, waxaana is diyaarinaya dadka deggan xeebta galbeed ee dalka, gaar ahaan gobolka Västra Götaland. sida ay sheegayso Lovisa Andersson oo ah saadaaliye ka tirsan SMHI.

Duufaanta Knud ayaa kasoo babbanaysa dhanka Badda Woqooyi ee Nordsjön iyadoo u leexanaysa dhanka koonfurta Norway, halkaasoo ay gelinka dambe kasoo geli karto Galbeedka Sweden ama ugu dambayn caawa fiidkii. Waxaa sidoo kale awal digniin dabaqadda 2-aad ah loo diray gobolka Halland, balse digniintaas waxaa haatan hoos loogu dhigay ilaa dabaqadda 1-aad.

Gasiiradaha deriska la ah magaalada Göteborg oo ah tan ugu wayn gobolka Västra Götaland ayaa isu diyaarinaya sidii ay ula xaali lahaayeen duufaantan una caawin lahaayeen haddii ay soo kordhaan xaalado deg deg ah, waxaana dadka degaanka loo sheegay inay si fiican u xiraan doonyaha yar yar, waxyaabaha fudud ee duuli karana ay daaradohooda ka fogeeyaan.

Waaxda Gurmadka deg degga ah ayaa iyaduna u digtey dadka deggan guryaha leh saqafyada debecsan ee qaadmi kara, iyadoo dadka guud ahaan u jeedisey inay guryohooda ku sugnaadaan.

Bengt Olsson oo warfaafinta ugu qaybsan Waaxda Gaadiidka Sweden ayaa ka dhawaajiyay in tareennada la joojiyay dhowr meelood oo ka tirsan Galbeedka Sweden, wuxuuna joogsigu bilaabmayaa 16:00 isagoo socon doonaa ilaa bilowga gelinka dambe ee Sabtiga.

– Taasi waa halista aannu doonayno inaan ka fogaanno, si aysan dabayshu qof jidka ugu qabsan, ayuu yiri Begnt Olsson.

Gobolka Svealand ayaa la sheegay inay dabaylo xooggani ku dhufan karaan, kuwaasoo wata hanfi kulul oo la mid ah midka xagaaga, balse wixii Sabtiga loo gaaro ayay dabayluhu daciifi doonaan heerkulkuna hoos buu u dhici karaa sida ay saadisay SMHI.

Hadalsame Media