DEG DEG: Gabar ardayad ah oo jaamacad Muqdisho ku taalla lagu dhex toogtey!

0

(Muqdisho) 21 Sebt 2018 – Wararka naga soo gaaraya Xaafada Baar Ubax ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay Gudaha Jaamacadda Soomaaliya ku dhex dileen Gabar ka mid aheyd Ardayda, sida ay sheegtay idaacadda Dalsan.

Dad ka ag dhow goobta ayaa Dalsan u sheegay in rag ku hubeysnaa bustoolado ay galeen Gudaha Xarunta Jaamacadda Soomaaliya ay ku leedahay Baar Ubax,isla markaana ay fasalka dhex diisa ku dileen Gabadha.

Ma cada waxa ay ahaayeen dadka ilka geystay iyo sababta ay u dileen Gabadha ka mid aheyd Ardayda Jaamacadda,waxaana durba goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, kuwaas oo haatan wada howlgallo baaritaano ah.

Hadalsame Media