DEG DEG: Shiinaha oo Maraykanka laba kala doorransiisey! (Maxaa la isku qabtay?)

0

(Beijing) 21 Sebt 2018 – Beijing ayaa Washington ugu hanjabtey “inay cawaaqib xun la kulmi doonto” haddii aysan ka laabanin cunaqabatayn ay Shiinaha ku saartay iskaashiga ciidan ee uu dalkaasi la leeyahay Ruushka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa iyadoo adeegsanaysa luuqadda ugu adag waxay Washington u jeedisey in sida ay u dhigtay ay “khaladaadkeeda saxdo” inta aysan xeero iyo fandhaal kala dhicin, ama ay wajahdo cawaaqibka arrintaasi.

Maamulka Trump ayaa cunaqabatayn Khamiistii saartay Waaxda Horumarinta Qalabka Shiinaha – hay’adda ugu wayn ee dalkaasi hubka usoo iibisa – kaddib markii ay Shiinuhu ay Ruushka ka dalbadeed miigagga Su-35 iyo gantaalaha istaraatijiga ah ee S-400 ee dhul-ka-cirka ah, taasoo Washington sida la yiri ka caraysiisey.

Maraykanka ayaa sheegay in tillaabadan ujeedka ka dambeeya uu yahay in jug dhaqaale loo gaysto Moscow oo ah “bartilmaameedka ugu dambeeya” ee tillaabadan.

Hadalsame Media