DAAWO: Maxaa ka jira inay maaddo halis ihi ku jirto TARMUUSKA? Hadalsame oo u kuurgalay!

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2018 – Waxaa beryahan dhibaato badani ka joogtaa taraamuustii oo la jejebinayo iyadoo la leeyahay waxaa ku jira ”kaniini kansar laga qaadayo.”

HADDABA SIDEE WAX U JIRAAN?

Kaddib markii uu Hadalsame arrintaa u kuur galay waxaan soo helnay xogtan: Waxa ay dadku kaniini ku sheegayaan waa maaddo loo yaqaanno Asbestos, waa macdan miiqyo ka samaysan oo iska caabbin kara kulaylka, korontada iyo dabka, taasoo si 3-xagal ah ugu dheggan dhinacyada tarmuuska, shaqooyinka uu qabtana waxaa ka mid ah inaanu kulaylka gudaha ku jiraa aanu dibedda u gudbin iyo in aanay isku imanin labada gidaar ee tarmuusku, iyadoo haddii uu tarmuusku jabo uu qofku jiidi karo saxarro iyo miiqyo keenni kana cudurro halis ah, sida kansarka sambabbada iyo ubucda, kuwa neef mareenka iwm.

Maaddadani waa ka mamnuuc dalal badan oo dunida ah, sida Midowga Yurub, iyado uu dalka Britain maadadan mamnuucay sanaddii 1999-kii, balse taasi kama dhigna in aan maaddadaasi dalalkaa soo gelin. Waxyaabaha ay ku jirto maaddada ACMs (Asbestos containing materials) waxaa xitaa ka mid ah jukaatalada carruurta ee ‘Pepper pig’ children’s crayons.


Waxay dad badani maadadaa ku arkeen alaabooyin laga soo waaridey Shiinaha oo internet-ka laga iibsadey, iyadoo dhanka Somalia maaddaama aysan jirin cid nidaamisa (regulation) tayada waxyaabaha dalka soo gelaya ay adag tahay in la ogaado inay maaddadaasi ku jirto iyo in kale.

Hadalsame Media