Arday dalxiis u dirtay nadiifiyaha jaamacadda ay dhigtaan!! + Sawirro

0

(Bristol) 20 Sebt 2018 – Nin nadiifiye ka ah jaamacadd ayaa dalxiis u tagay dalka Jamaica ka dib markii arday ay u aruuriyeen 1,500 oo giniga istarliinka ah.

Ninkan ayaa dalxiis u baxay markii koobaad muddo toban sano ah.

Arday lagu qiyaasay 230 oo dhigata jaamacadda University of Bristol ayaa lacagtan isku dardaray waxayna dalxiis ugu direen Herman Gordon iyo xaaskiisa Denise.

Gordon ayaa yiri “Allaha idin barakeeyo dhammaantiin. Idinkoo dhan hortiina ayaad ka heli doontaan, waxaana dareemayaa maalqabeennimo”.

Muuqaal laga duubay nadiifiyaha oo farxad la ilmaynaya markii loo sheegay in dalxiis la gaynayo ayay dadku aad isula wadaageen bishii Juunyo.

Gordon oo ka mid ah nadiifiyeyaasha jaamacadda Bristol University ayaa halkaas ka shaqeeyay 12 sano, xaaskiisuna waxay ku noolayd magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica.

Denise ayaa u mahadcelisay ardayda “waxaan idiinka mahad celinayaa haddiya aad aniga iyo Herman na siiseen” ayay tiri

Qoraal baraha bulshada la soo dhigay ayaa lagu qoray Gordon “waa qofka ugu farxadda badan ee aan waligay la kulmo” waxaana intaas lagu daray haddii aad rabto in aad muusooto aa doo daqiiqad ama labo la kulan.

Hadi Al-Zubaidi oo 20 jir ah oo caafimaadka ka barta Bristol ayaa maalintii labaadna isaga oo magaca qarinaya sheegay in uu lacag u aruurinayo”.

Lacagtii uu qabsaday in uu aruurinayana hal toddobaad ayuu ku helay.

Hadalsame Media