DHEGEYSO: Dowladda Sweden oo malaayiin looga lunsaday qaab cajiib ah!!

0

(Västra Götaland) 21 Sebt 2018 – Waxaa bilowday baaritaano ku saabsan khiyaano ka mid ah kuwii ugu waawaynaa ee abid lagula kaco hannaanka canshuureed ee dalka, kuwaas oo ka dhacay galbeedka Sweden, iyadoo ilaa haatan farta lagu godey ilaa 30 la tuhunsane oo ku eedaysan in ay hantida dadwaynaha ku qaateen tuugo xeeladaysan iyo inay gacan caawimaad ka gaysteen arrintaasi.

Sida ay qabto Waaxda Canshuuraha Sweden ee Skatteverket, kiiskani waa midkii ugu ballaarnaa ee abid ka dhaca galbeedka Sweden, Thomas Saltin waa madax qaybeed ka tirsan waaxda dembiyada canshuuraha.

Isla hay’adda Skatteverket ayaa laba sanadood kahor soo heshay xeelaysi ballaaran oo lagu qaato lacagaha loo yaqaanno rotavdrag, oo ah kharashaad ay dowladdu bixiso marka qofka guri loo dayactirayo.

Ugu yaraan 60 qofood oo ku kala nool magaalooyinka Trollhättan iyo Vänersborg, iyo sharikad kuwa dhismaha ah ayaa iminka ku eedaysan inay malaayiin karoon ka sirteen dowladda Sweden, waxayna Skatt-ku ilaa haatan caynsadeen oo dib u ceshadeen lacag dhan ilaa 8 milyan oo karoon.

Katinka Wall, oo warbaahinta ugu qaybsan hay’adda la dagaallanka dembiyada dhaqaalaha la xiriira ee Ekobrottsmyndigheten, ayaa iyadoo u warramaysa P4 Väst ka hadashay qarada kiiskan.

Waaxda Canshuuraha dowladda dhexe ee Skatteverket ayaa sheegtay in badiyaa lacagaha lagu qaadanayay qaan sheegtooyin muujinaya in shaqooyin dhisme la qabtay, balse aan runtii waxba la qabane kharash uun la qaadanayay.

Unugta Waaxda Canshuuraha Sweden ugu qaybsan baarista dembiyada canshuuraha ee skattebrottsenheten, ayaa sheegtay inay iminka gacanta ku haysto baarista ilaa 15 dembi oo noocan ah oo heer qaran ah aama khuseeya dalka oo dhan ah.

Hadalsame Media