Ruushka oo badda saaray GUJIS ay adag tahay sida lagu ”arko” + Sawirro

0

(St. Petersburg) 21 Sebt 2018 – Ciidamada Badda Ruushanka ayaa howlgeliyay gujis cusub oo ah nooca weerarka ah oo awood u leh in gantaalaha laga tuuro ayaa badda la saaray.

Gujiskan ayaa sida ay sheegayso Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku waxay leedahay astaamo ay ka mid yihiin inay juuq la’aan tahay, taasoo ku dhowaad adkaynaysa in dhanka cadowga ”laga arko.”

Gujiska ‘Kronstadt’ ayaa badda laga saaray magaalada St. Petersburg, waxaana ku xiran agab casri ah iyadoo ay adag tahay in la arko ama la maqlo guuxeeda marka ay heehaabayso gunta badda sida uu sheegay Viktor Chirkov, oo ahaa taliyaha Raxanta Badda Baltic-ga, iminkana la taliye u ah sharikadda gujiskan dhistay.


Hadalsame Media