Guddigii Galmudug loo diray oo kulamo kale la qaatay dhinacyada… + Sawirro

0

(Dhuusamareeb) 20 Sebt 2018 – Guddi ka kooban xubnaha Aqalka sare ee kasoo jeeda maamul Goboleedka Galmudug oo dhawaan gaaray Dhuusa-mareeb ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degaannadaas, sida ay faafinayso warbaahinta dowladdu.

Xubnahan oo kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Bulshada Galmudug ayaa waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha asaasiga ah ee ay qabaan Shacabka halkaa ku dhaqan.

Guddigan ayaa sidoo kale wax garadka ka xog-wareeystay wixii ismaan-dhaaf ah ee halkaasi ka jira iyo sida lagu xallin karo Khilaafaadka gudaha ee ka dhex taagan xubnaha maamulka sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadalsame Media