DEG DEG: Banaanbax ka socda magaalada Cadaado

0

(Cadaado) 20 Sebt 2018 – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud aya waxa ay sheegayaan in goordhow uu ka bilaawday halkaas banaanbax, sida ay sheegtay idaacadda Dalsan.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Cadaado ayaa banaanbaxa dhigaya,waxana la sheegay inay uga soo horjeedaan dagaal beeleed ka soo cusboonaaday deegaanka Dacdheer oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo itoobiya.

Shacabka ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ku diidan yihiin banaanbaxaas,iyaga oo ugu baaqay labada maleeshiyo beeleed inay dagaalka joojiyaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka magaalada Cadaaado ee Galmudug ayaa goobjoog ka ah banaanbaxa kuwaas oo la filayo inay dadka banaanbaxayaasha ah la hadlaan.

 

Hadalsame Media