Dowladda oo la wareegaysa ISBITAALLADA dalka

0

(Muqdisho) 20 Sebt 2018 – Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur , ayaa sheegtay inay Wasaaraddu ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa.

Wasiiradda, oo ku guda jirtay kormeer ay ku tagtay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta lagu daweeya Haweenka isku furanka ku dhaco ee (Fistula Department) ayaa ammaan ballaaran usoo jeedisay howl-wadeennada Isbibaalka, waxanay sheegtay inay dedaal ka geysan doonaan sidii loo tayayn lahaa xarunta.

“Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in Isbitaalladii guud ay si buuxda ugu maamusho Ganateeda ugu qabato, kaalmo weynna ay u fidiso, marka waa wax noo wada yaalla, aad baanan ugu faraxsanahay inaan idinla kulmo”, ayay tiri Marwo Fowziyo.

Marwo, Fowziyo ayaa u mahad celisay shaqaalaha Isbitaalka iyo hay’adda Bisha Cas oo door Lixaad leh kasoo qaadatay Dawada, qalabaynta iyo Gacan ku haynta howlaha kala duwan ee Isbitaalka.

Hadalsame Media