SHIISH-YAHAN PUTIN: Madaxwaynaha Ruushka oo gacantiisa ku tijaabiyay qori cusub (Daawo)

0

(Moscow) 20 sebt 2018 – Waxaa soo baxay muuqaallo muujinaya madaxwaynaha Ruushanka ee Vladimir Putin oo tijaabinaya qori cusub oo nooca wax lagu shiisho ah oo ay samaysay Kalashnikov, kaasoo wax ka dili kara masaafo dhan 600 oo mitir.

Madaxwayne Vladimir Putin ayaa shalaytoole booqday carwo ay qabatay Kalashnikov Concern oo lagu dhigay jardiinada Patriot Park oo ku taalla banaanka Moscow, mana uusan kaliya eegin qorigan cusube – isagaaba gacantiisa ku tijaabiyay – qorigan oo ah shiishaa (sniper) casri ah oo la yiraahdo SVCh.

Hadalsame Media