Gobolka Idlib oo laga sameynayo Aag ka caaggan Millatariga

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2018 – Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay diyaar u tahay in Aag millatariga ka caaggan laga sameyso gobolka Idlib oo dhaca waqooyi galbeed dalka Suuriya (Syria).

Waxaa uu yiri Putin, “waxaa la sameyn doonaa 15-20 kiilomitir dhul dhan, oo ah, mid amaan ah oo ka caaggan ciidamada marka la gaaro 15-ka Bishaa Oktoobar ee sanadkan,”

Hadalkaan ayuu sheegay kadib markii kulan uu la yeeshay Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kulankaas oo afar saacadood qaatay ayaana ka dhacay Magaaladda koofurta Ruushka ku taala ee la yiraahdo Sochi.

Ciidamo ka kala socda dowladdaha Ruushka iyo Turkiga ayaa kaliya loo ogolaan doonaa inay aagaasi ka hawlgalaan oo ay illaaliyaan, iyadoo dhinacyada mucaaradka iyo ciidamo Suuriyana aysan cagta soo dhigi doonin aagaasi.

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in qorshahaan uu taageersanyahay Madaxwaynaha Suuriya Bishaar Al-Assad kaasoo ciidamadiisu ay baryahaanba kulaalayeen xaduudaha gobolka Idlib oo ay ku xoogan yihiin qolyaha mucaaradku.

Putin ayaa sheegay in kooxda la yiraahdo Nusra front gabi ahaanba ay ka baxdo aagaasi, iyadoona horaanta bisha Oktoobar la filayo in laga daabulo hubka culus iyo gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Suuriya.

Hadalsame Media.