WAR CUSUB: Ciidamo nabad illaalin ah oo ka socda Soomaaliya iyo Jabuuti oo loo dirayo dalka South Sudan

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2018 – Urur goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo nabad Illaalin ah oo ka socda Soomaaliya iyo Jaabuti loo diri doono dalka dagaaladu hala keeyeen ee South Sudan, kaa oo ah dalka ugu da’da yar qaaradda Afrika, sida uu qoray East African oo soo xiganaya IGAD.

Hawlgalka ciidamada lagu geynayo South Sudan waxaa looga dan leeyahay sidii ay u illaalin lahaayeen heshiiska dhawaan lagu gaaray dalka Sudan kaa u dhaxeeyay Maamulka Madaxwayne Sal-fakiir iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Riyaad Misheel.

Warsaxafeed ka soo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa maanta oo Isniin ah lagu sheegay in IGAD ay isku raacday in Soomaaliya qeyb ka noqon doonto ciidamada nabad Illaalinta ah ee loo dirayo South Sudan iyadoona sidoo kale la xusay dalal ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Uganda.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii Madaxda Urur goboleedka IGAD,  12 Bishaan kulan aan caadi ahayn ay ku yeesheen Magaaladda Addis Ababa markaas oo ay ka hadleen xaaladda South Sudan iyo guud ahaan tan gobolka.

IGAD ayaa sidoo kale sheegtay inay golaha ammaanka ee qaramada midoobay waydiisan doonto inay taageeraan qorshaha Nabadgalayo ee ciidamada lagu geynayo South Sudan.

Guddi ayaa la filayaa in IGAD u dirto South Sudan si ay xaaladda u soo qiimeyaan, waxaana IGAD ay ugu baaqday dhinacyada South Sudan inay u hoggaansamaan oo ay illaaliyaan heshiiskii dhawaan ay ku saxiixeen dalka Sudan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay hala keeyeen colaaduhu waxaana hadda ku sugan ciidamo ka socda midowga Afrika, hase ahaatee waxaa Soomaaliya hadda ay door muuqda ka ciyaareysa xal u helidda arrimaha gobolka iyadoona laftigeedu ay ku jirto dib u soo kabasho.

Hadalsame Media.