Rabshado sababay dhimasho oo ka dhacay Itoobiya iyo RW Cabbeey Axmed oo ka hadlay

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Cabbeey Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay rabshado ku saleysan Isir naceyb oo sababay dhimashada 23 ruux iyo dhaawaca 70 kale kuwaa oo ka dhacay meel u dhaw Magaaladda Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay RW Abiy Ahmed oo lagu magacaabo Fitsum Arega ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu aad uga xumaaday waxa ka socda deegaanada ku xeeran Magaaladda Addis Ababa halkaas oo illaa shalay ay ka socdeen isku dhacyo rabshado watay oo u dhaxeeyay dad u badan Oromo.

Mr. Axmed ayaa sheegay in isku dhacyadaani soo cusboonaday ay dhaawac u gaysanayaan midnimada iyo wadajirka dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin ku dhawaad boqol qawmiyadood, waxaana uu ku goodiyay in dowladdiisu bixin doonto jawaab adag oo ka dhan ah qulqulatooyinkaasi.

Dhinaca kale boqolaal qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaaladda Addis Ababa maanta oo Isniin ah iyagoo dowladda dhexe waydiisatay inay jawaab ka bixiso rabshadahaan islamarkaana cadaaladda la horkeeno kuwa ka dambeeyay.

Deegaanada ay rabshaduhu ka dhaceen waxay Magaaladda Addis Ababa ka xigaan dhanka waqooyi iyo waqooyi galbeed waana meelo ay ku badan yihiin qowmiyadda Oromada oo uu ka soo jeedo RW Cabbeey Axmed.

Hadalsame Media