DAAWO: Wixii qabsaday bas sidey ciidamo Yuhuud oo ku ”khaldamay” kaam ay deggan yihiin qaxooti Falastiini ah!!

0

(Kalandia) 17 Sebt 2018 – Bas ay ka buuxaan ciidamada Xoogga Israel ee IDF ayay isku dheceen dad Falastiini ah, ka gadaal markii uu ku khaldamay xerada qaxootiga Kalandia ee Daanta Galbeed oo uu gaarigu la galay, waxaana halkaa ku dhaawacmay ugu yaraan 3 askari oo Yuhuud ah, sida ay sheegeen ciidamada IDF.

Falastiiniyiinta ayaa sida la sheegay dhagxaan roobka uga dhigay baska isla markii uu soo galay xerada, oo u dhaxaysa Quddus iyo Ramallah. Waxaana halkaa ku dhaawacmay askar ay ku jirto gabar, sida ay sheegtay Jerusalem Post, waxaana khasab noqotay in ay gurmad “samata bixiya” dalbadaan askartaasi.

Hadalsame Media